Baydhabo oo lagu toogtay rag ku eedaysanaa in ay ka dambeeyeen qaraxii 28-kii February 2016

Baydhao, Apri, 30, 2016 – Maxkamadda ciidanaka Soomaaliya ayaa u fariisatey dacwad ka dhan ah 4 qof oo ku eedeynsaa in ay ka tirsanaayeen al-Shabaab isla markaana fuliyeen qaraxyadii ka dhacay Baydhabo bishii Feberaayo 2016, sidoo kale maxkamadda ayaa la horkeeney askeri qof shacab ah diley.
 
Maxkamadda ayaa dhegasatey eedaha ka dhanka ah eedeysanayaashan iyo markhaantiyaasha loo hayo.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqey in 5 qof ee Maxkamadda la horkeeney mid kamid ah uu ka tirsanaa ciidanka horeyna u diley qof rayid ah, dhamaantoodna lagu xukumey dil toogasho ah.
 
Sidoo kale Maxkamadda ayaa saddex sano oo xabsi ah ku ridey qof lagu eedeeyey in uu wax ka ogaa qaraxyada Baydhabo ka dhacay.
Dhamaan eedeysanayaasha al-Shabaab ee weerarada fuliya ayaa waxaa dacwadooda qaadda Maxkamadda ciidamada taas oo inta abdan dil ku xukunta.
 
Qaraxyo waaweyn oo laba ah ayaa dhamaadkii bishii Feberaayo 2016 lagu weeraray goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Baydhabo taas oo ay ku nafwaayeen dad ka badan 50 qof.
 
Diiwaanka Warark 
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com