Baydhabo Golaha Wasiiradda Koonfur galbeed oo amaro cusub la dul dhigay (Sawiro)

Baydhabo Golaha Wasiiradda Koonfur galbeed oo amaro cusub la dul dhigay (Sawiro)

Baydhabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12-11-2018, waxaa shir aan caadi aheyn isugu yimid Golaha Wasiirada Dowladda maamulka Koonfur Galbeed kaasi uu shir-guddoominayay sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda KGS Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna.

Kulanka Waxaa looga hadlayay xaalada guud ee amniga KGS iyo in wasaarad waliba wixii agab ah ay hayso, iyadoo qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska Madaxweynaha KGS si xiligan kala guurka ah aysan u dhicin ku tagrifal awoodeed.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlaayay sidii loo dardargalin lahaa howlaha maamulka tan iyo inta Madaxweynaha cusub ee la doortaa uu xilka la wareegaayo.

Ugu dambeyn Sii-hayaha Madaxweynaha ayaa wasiirada faray in ay waajibaadkooda shaqo sii wataan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com