Baydhabo: Dowladda oo Roobow ka saartay liiska Musharaxiinta doorashada Koonfur Galbeed

Baydhabo: Dowladda oo Roobow ka saartay liiska Musharaxiinta doorashada Koonfur Galbeed

Wadaadkii caanka ahaa ee ka tirsanaan jiray kooxda Al-shabaab , horayna u soo noqday Afhayeenkii kooxda Al-shabaab ayaa gabi ahaanba maanta laga saaray liiska musharaxiinta u tagaan doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya .

 

Go,aankan ayaa waxa uu ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee dowladda fadaraalka Soomaaliya .

Roobow ayaa kuxiran xarunta ciidamada Nabad sugida ee Soomaaliya ee magaalada Muqdisho , wuxuuna xariga roobow uu sababay dibad baxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ,taas oo keentay in ay dad ku dhintaan .

 

Qaar kamid ah musharaxiita utaagan doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta hoolka  Baarlamaanka ka jeediyay qudabadahooda ,waxaana lafilayaa in maalita arbacada ah ay dhacdo doorashada madaxweynaha cusub .

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com