Site icon Radio Daljir

Baroor diiq loo sameenayo dadkii ku dhintay diyaaraddii Ukrain

Ugu yaraan 2,000 qof ayaa isugu yimid magaalada Toronto ee dalka Canada, si ay ugu baroor diiqaan dadkii ku dhintay diyaaraddii Ukrain ee ku bur-burtay dalka Iran.

Waxaa soo qaban-qaabisay munaasabadda loogu baroor diiqayey xarunta dhaqanka Iran ee dalka Canada, taasi oo lagu magacaabo.(Iranian-Canadian charity Tirgan.)

Dalka Canada ayaa waxaa kaga dhintay diyaaraddii Ukrain ee ku bur-burtay dalka Iran 57 qof.

Raysal Wasaare Trudeau ayaa dhankiisa ka qeyb galay baroor diiq loo sameenayey 13 qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay diyaaradda, waxa uuna sheegay in cadaaladda la hor keeni doono dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

Exit mobile version