Barnaamijka tartan iyo tacliin oo xalay galay habeenkii tobnaad, afar dugsi sare oo tartamay

Bosaso, Aug 01 – Barnamijka tartan iyo tacliin oo ay ku tartamaan? dugsiyada sare ee deegaanada Puntland,oo aad ka dhagaysataan Radio Daljir ayaa xalay galay habeenkii sagaalaad.

Tartankaan oo ka koobnaa labo ?qayb ?ayaa waxaa ku tartamay afar ka mid ah dugsiyada ?sare ?ee ka qayb qaadanaysa sanadkaan barnaamijka.

Qaybtii hore ee Barnaamijka ayaa waxaa ku tartamay dugsiga sare Al Nuur Baran iyo dugsiga sare Muntada Qardho, Dugsi kasta waxaa la waydiiyay lix su?aalood sida sharciga Barnaamijka uu qabo.

Gudoomiyaha Barnaamijka tartan iyo tacliin ustaad Yusuf Suudi Cabdi ayaa gabagabadii ku dhawaaqay Natiijadii ay kala heleen labada Dugsi ee Al Nuur Baran iyo Muntada Qardho.

Tartankii dhex maray dugsiga sare ee Al Nuur Baran iyo dugsiga sare Muntada Qardho runtii tartan aad u adag ayuu ahaa, dugsiga Al Nuur Baran lix su’aalood baa la waydiiyay wuxuu ka jawaabay shan ka mid ah wuxuu helay toban dhibcood,

Dugsiga sare Muntada Qardho waxaa la waydiiya lix su’aalood wuxuu ka jawaabay Afar ka mid ah wuxuu helay sideed darajo ayuu ku helay iyo hal ka faa’iidaysi ah sagaal darajo ayuu sidaas ku helay

Sidaas owgeed tartankii waxaa caawa ku guulaystay dugsiga sare ee Al Nuur Baran oo toban darajo helay .

?

?

Qaybtii labaad ee Barnaamijka tartan iyo tacliin ayaa waxaa ku tartamay dugsiyada sare Azhar Qardho iyo dugsiga sare Gaarisa.

?

Gudoomiyaha gudiga barnaamijka tartan iyo tacliin Yuusuf Suudi Cabdi ayaa ku dhawaaqay natiijadii ay kala heleen labada dugsi.

Tartankii dugsiyada sare Azhar Qardho iyo Dugsiga sare Gaarisa wuxuu ahaa tartan ruuga la isku laabay?? Dusiga sare Al azhar Qardho waxaa la waydiiyay lix su’aalood wuxuu ka jawaabay labo ka mid ah wax ka faa’iidaysi ahna ma helin halkaas wuxuu ka helay afar darajo.

Dugsiga sare ee Gaarisa Bosaso lix su’aalood ayaa la waydiiyay wuxuu ka jawaabay labo ka mid ah wax ka faa’iidaysi ahna ma helin wuxuu helay Afar darajo asagana halkaa waxay noqdeen bar baro hal dhibic iyo hal dhibic ayay yeesheen saas ayuuna ku dhamaaday tartankii caawa wabilaahi towfiiq.

Caawa oo uu tartanka gali doono habeenkii tobnaad waxaa ku tartami doona haduu Eebe idmo afar dugsi oo kale ah:

?

  • Goldogob secondry VS Munaaratul baydaa secondry
  • ?Burtinle secondry VS Cabdulaahi Ibraahim Ufayn.

?

Yasin Duceysane Daljir Bosaso.

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Barnaamijka tartan iyo tacliin oo xalay galay habeenkii tobnaad, afar dugsi sare oo tartamay”

  1. tartaniyotacliin

    trtankiyo tacliin

U Jawaab tartaniyotacliin Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com