Barnaamijka Tartan iyo Tacliim oo ay dugsiyada sare ee Puntland ku tartamayaan oo wareegii labaad u gudbaya

Bosaso, Aug 03 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliim oo ah barnaamij bisha barakaysan ee Ramadaanka uu Radio Daljir ku tartansiiyo dugiyada sarre ee ku yaalla deegaanda? Puntland ayaa xalay oo barnaamijku galay habeenkii kow iyo tobnaad waxaa ku tartamay afar ka mid ah dugsiyada sare ee Puntland.

Qaybtii? hore ee barnaamijka waxaa tartamay dugsiga? Nugaal Secondry oo xaruntiisu tahay Garoowe iyo dugsiga Imaamu Nawawi Qardho.

Labada dugsi ayaa soo bandhigay dadaal aad u wayn iyo tartan aqooneed qiimo badan.

Gudoomiye kuxigeenka guddiga barnaamijka Tartan iyo Tacliim Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa gabagabadii ku dhawaaqay natiijada tartanka dhexmary Nugal Secondry Garowe iyo Al-nawaawi Qardho.

Dugsiga sarre ee Nawaawi Qardho oo la waydiiyay lixdiisii su’aalood ee tartanka uu ku lahaa ayaa waxaa uu ka jawaabay shan su’aal, waxaa uu qalday hal su’aal, sidaasi waxaa uu ku helay 10-darajo.

Dugsiga sarre ee Nugaal Secondry Garowe ayaa waxaa isna la waydiiyay lixda su’aalood ee tartanka uu ku lahaa, waxaa uu ka jawaabay shan su’aalihii la waydiiyay ah,waxaa uu qalday hal su’aal, waxaa uu ka faa’iidaystay hal su’aal, guddiga Tartan iyo Tacliim ayaa ku dhawaaqay inuu guulaystay dugsiga Nugaal oo keensaday 11-darajo.

Qaybtii labaad ee barnaamijka waxaa ku baratamay dugsiyada Al-Najah Bosaso iyo Imaamu Nawawi Garowe.

Tartan aqooneed xiiso badan oo ay soo bandhigeen labada dugsi kadib, waxaa guddiga uu mar kalle ku dhawaaqay natiijada tartanka xalay.

Dugsiga sarre ee Al-Najax Bosaso? ayaa ka jawaabay sadex ka mid ah lixdii su’aalood ee la waydiiyay, waxaa uu qalday sadex su’aal, hal su’aal ayuu ka faa’iidaystay, todobo darajjo ayuu sidaa ku hantay.

Dugsiga Nawaawi Garoowe ayaa isaguna la waydiiyay lix,su’aal, waxaa uu ka jawabaabay shan su’aal, waxaa uu iska lumiyay oo qasaariyay hal su’aal , ka faa’iidaysi waxaa uu u helay hal su’aal, sidaasi ayuu ku hantay 11-darajo oo ay guusha tartanka ay ku raacday.

Caawa oo wareegii koowaad? ee barnaamijka lasoo gabagabeyn doono waxaa tartami doona afar dugsi oo kala ah.

  • Sheekh Cismaan Qardho Vs Cumar Bin Cabdilacsiis Bosaso
  • Xaajji Cali Biixi Galkacyo Vs Xaaji Salaad Carmo.

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

?

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com