Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Hoos udhaca kuyimd Afka Soomaaliga (dhegayso)

Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Hoos udhaca kuyimd Afka Soomaaliga (dhegayso)

Muuqaalka Bulshada waa barnaamij maalinle ah oo aan ku falaanqeyno hadba mowduuca maalinkaas taagan. Waxa aan bulshada ka dhegaysanaa dhibka haysta, hammigooda dad iyo dal, kooda ammaan iyo doorka dowladeed ee bulshadu ka sugayso in ay dowladdu la shir timaado.

Ka qaybqaado Muuqaalka Bulshada oo nala qaybso dhaliil iyo waana wixii aad bulshadaada iyo dowladaadaba u hayso.

Maanta barnaamijka waxaan ku falanqayn Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa hoos u dhac uu ku yimid afka Soomaaliga, walow ay hadda jiraan dadaalo lagu xoojinayo.

Haddaba marxalad noocee ah ayuu hadda marayaa afka Soomaaliga? Su’aalahaas iyo kuwo kale waxa ay Daljir hor dhigtay qoraa Cabdifitaax Cabdullaahi Muuse oo jooga gobolka Sanaag martina ku ah barnaamijka Muuqaalka.

waxaa soo jeedinaysa barnaamijka Saynab Cabdinuur Maxamed oo Bosaaso ku sugan.

Dhegayso.
https://soundcloud.com/user-995878235/muuqaalka-bulshada-saynab-20-11-2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    AFSOMALIGU MARKII LA QORAY 1972-73 UGUB BUU AHAA QORAALKIISU WAXAY AHAYD IN LASII WADO LKN MACALASAF DAWLADII KAA BURBURTAY,WAANA DHABB IN HOOS UDHAC KUYIMI LKN SIDA (UNISCO)SHEEGTO EE AH IN AFSOMALIGU SII DABARGO’AYO  MA AHA SIDAAS LKN WAA QIRAYNAA EREYO BADAN KHADKAY LA BAXEEN,LKN MAANTA MA JIRTO MAALIN UU AFSOMALIGU KA AAYO FIICAN YAHAY WAAYO? IN KA BADAN 5000 WARBAAHINA BAA KUHADASHA % 25 MALYAN OO SOMALI AH TIRA KOOBKA & DARAASADA LAGA SAMEEYEY INTA LA OGYAHAY..
    HOOS U DHACAASINA DHAMAAN LUQADAHA DUNIDA OO DHAN BAA LA QABA.MAAHA WAX AFSOMALIGA U GAARA, LKN TAXADARKA QAYLO DHAANTU WAA MUHIM

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com