Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Dilkii iyo kufsigii loo gaystay Caasho Ilyaas (dhegayso)

Muuqaalka Bulshada waa barnaamij maalinle ah oo aan ku falaanqeyno hadba mowduuca maalinkaas taagan. Waxa aan bulshada ka dhegaysanaa dhibka haysta, hammigooda dad iyo dal, kooda ammaan iyo doorka dowladeed ee bulshadu ka sugayso in ay dowladdu la shir timaado.

Ka qaybqaado Muuqaalka Bulshada oo nala qaybso dhaliil iyo waana wixii aad bulshadaada iyo dowladaadaba u hayso.

Maanta barnaamijka waxaan  ku falanqayn doonnaa falkii dilka iyo kufsiga ahaa ee Gaalkacyo loogu gaystay Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12 sano jir ah.

Barnaamijka waxaa marti ku ah Sheekh C/risaakh Xuseen Ciise oo kamid ah Culimada Puntland, Nabadoon Bootaan Dhukaal Yuusuf oo kamid ah Nabadoonada gobolka Bari. Jawaahir Maxamed Cali iyo Korneel Maxamuud Cabdi Cumar Qolombi.

wariye Xasan Heykal ayaa barnaamijka Bosaaso ka soo jeedinaya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com