Barlamaanka Somaliya iyo AMISOM oo Shirar ku leh Muqdisho

Gudiga difaaca barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa kahadlay halka ay marayaan wadahadaladii u dhexeeyey gudiga difaaca barlamaanka iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Xuseen Carab Ciise gudoomiyaha gudiga difaaca ee barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay meelwanaagsan marayso shaqada gudigooda, isagoona intaasi ku daray in xilligaan ay qorshe wanaagsan wada leeyihiin ciidamada AMISOM saraakiisha hogaaminaysa.

Gudoomiye Xuseen Carab Ciise wuxuu sheegay inay dhowaan shaacin doonaan qodobada kasoo baxa shirkaan u dhexeeya howlgalka AMISOM iyo gudiga difaaca barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com