Barlamaanka Somalia oo Shir ku Yeelanaya Xamar

Somalia, December 12, 2015-(Daljir)_Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeynaya sharciga Iibka Qaranka, iyada oo aqrinta labaad la marin doono sharciga Maxkamadda Dastuuriga.
 
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud habdhawraha baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ajandaha koowaad ee shirka baarlamaanka ee maanta uu yahay meel marinta sharciga Iibka Qaranka, iyadoo ay jiraan labo hindise sharciyeed kale oo isla maanta baarlamaanka horyaala.
 
“Maanta waxa jirta u codeynta sharciga Iibka Qaranka oo horey u soo maray sharciga oo ah saddex akhrin, waxaa jira in akhrinta labaad uu mari doono sharciga Maxkamadda Dastuuriga,
 
Xildhibaanka ayaa xusay inay jiraan dhowr iyo labaatan hindise sharciyeed oo horyaalaan golaha, isla markaana guddoonka uu marba xoogga saaro hadba sida ay u kala horeeyaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com