Barlamaanka Somalia oo Muqdisho Shir ku leh

Somalia, December 22, 2015-(Daljir)_ Baarlamaanka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho oo ay uga hadlayaan doorashada 2016.

Warbaahinta ayaa kulankan banaanka ka joogta waxaana la filayaa markuu soo dhamaado wixii kaso baxa in loo sheegi doono.

Gudoomiyaha baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in kulanka Maanta baarlamaanku ku yeelayaan golaha shacabka uu yahay mid ay fikirkooda kaga dhiibanayaan qaabka doorasho uga dhici karto dalka iyo barnaamijka hiigsiga 2016.

Jawaari ayaa tilmaamay in kulanka maanta waxa kasoo baxay la hortagi doonaan kulamada kale ee looga hadli doona doorashada.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu balamay in 10ka bisha soo socoto lagu qabto shir looga hadlayo doorashada oo dabo socda shirkii dhawaan lagu qabtay Muqdisho.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa taageersan in doorashada 2016 u dhacdo nidaamka 4.5ka,waxayna warar hoose sheegayaan inaan cod sax ah laga qaadin shacabka gobolada uu kaso jeedo ee Maamulka Koonfur galbeed oo ka kooban Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose.

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Madaxweyne ka ah Maamulkasi ayey madaxdii ka qayb gashay shirkii doorashada ee lagu qabtay Muqdisho ay kula taliyeen inuu fikir sax ka keeno dadkiisa.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com