Site icon Radio Daljir

Barlamaanka Somaaliya oo maanta Meelmariyaay Hindise Sharciyeedka Shirkadaha (dhegayso)

Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Maadaamaa hindise Sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad ayay qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay su’aalo weydiiyeen wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulanka joogay.

Wariyeheena Muqdisho Cabdiraxmaan Waaberi ayaa warbixintan Muqdisho kaso diray

Exit mobile version