Site icon Radio Daljir

Barlamaanka Somaaliya oo Maanta Kulan kuleh Xarunta Barlamaanka Muqdisho

Mudanayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeelanaya Kulankoodii Caadiga ah.
Kulankaan waxa ay kaga hadlayaan Akhrinta iyo qaybinta qorsho howleedka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Waxa uuna daba socdaa kulan shalay Muqdsho ku yeesheen Gudiga Joogtada ah ee Baarlamaanka, kaa oo ay kaga arrinsanayaan kulamada Baarlamaanka inta ka dhiman Kalfadhiga 2-aad.

Guddiga Joogtada iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa isla gartay sidii ajendayaal Kooban loogu koobi lahaa kalfadhigaan, Maadaama Howlo badan ay Mudanayaashu u yaallaan.

Exit mobile version