Barlamaanka Somaaliya oo codka kalsoonida siyeey RW Rooble

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa, iyaga oo kulankooda codka kalsoonida ku siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ka hor cod u qaadista waxaa uu Golaha ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan, isla markaana uu yahay Ra’iisul Wasaaraha Aqoon yahan kasoo bixi kara waajibaadkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa waxaa uu u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo oo 17-kii Bishaan u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada.

Waxaa uu sheegay in ilaa 8 qodob oo uu wax ka qaban doono maadaama Xildhibaannada ay codka kasloonida siiyeen, kuwaas oo kala ah.

1: Arrimaha Amniga

2: Doorasooyinka

3: horumarinta dhaqaalaha

4: Cadaaladda

5: Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa

6: Dib u eegista Dastuurka

7: Dhab u heshiisiinta

8:Iiskaashiga Caalamiga ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kal-fadhiga 7-aad oo ay ku sugnaayeen 215 Xildhibaan waxaa ay siiyeen Codka kalsoonida, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in ay Cod gacan taag ah ku ansixiyeen dhamaan xildhibaannadii kulanka fadhiyay oo ahaa 215 Mudane.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Goobta kulanka ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraah Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo dhaarin kadib uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ansixiyay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com