Barlamaanka Puntland oo Yeelanaya Kalfadhigoodi 36-aad

Axad, Oktoobar 25, 2015 (Daljir) — Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa waxaa maanta kia furmi doona kalfadhigii 36aad ee barlmaaanka Puntland, waxaana lafilayaa inuu kalfdhigaani furidoono madaxweynaha dowladda Puntland oo mudooyinkii ugu dambeeyey kusugnaa magaalada Galkacyo.

Inta uu socdo kalfadhiga barlamaanka Puntland ayaa waxa lagula xisaabtami doonaa xukuumadda uu hormuudka u yahay madaxweyne Gaas, oo mudadii u dhexaysay labada kalfadhi shaqooyin ballaaran ka qabatay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Baarlamaanka Puntland ayaa horay go’aan uga soo saaray arrimaha la xariira dowladda Federaalka maadama si cad loo meelmariyay sharciyo iyo guddiyo aan lagala tashan mamulada dalka, waxaana mudada uu socdo kalfadhigaani ay xildhibaanadu kadoodayaan arrimahaasi.

By: Abdirashid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com