Barlamaanka Puntland oo u Yeeray Madaxweyne Gaas

Isniin, Oktoobar 26, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka hortagay Mudanayaasha Baarlamaanka si ay su,aalo u weydiiaan Madaxweynaha.
 
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u yeeray Madaxweyanah waxaana ay su,aalo ka weydiinayaan xaalada dalka iyo arimaha siyaasada Soomaaliya iyadoona Madaxweynuhu uu ka jawaabayo su,aalaha ay xildhibaanadu waydiinayaan.
 
Xarunta Golaha wakiilada ee Magaalada Garoowe ayey haatan ka socotaa su,alo weydiinta ay xildhibaanadu weydiinayaan Madaxweyanah Puntland Dr.Cabdiwal Maxamed Cali Gaas.
 
Madaxweyne Cabdiwal Maxamed Cali Gaas ayaa shalay furay Kalfadhiga 36-aad ee Golaha wakiilada Puntland kadib safar qaatay 3 bilood oo uu uGu maqnaa Gobalka Mudug.
 
Faahinta oo dhamaystiran goor dhow naga fisha.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com