Barlamaanka Puntland oo Shir aan Caadi ahayn ka Yeelanaya Arimaha Federaalka Soomaaliya

Isniin, Luuliyo 06, 2015 (Daljir) — Golaha wakiilada Puntland oo ku guda jira kal-fadhigooda 35-aad ayaa maanta loo qaybiyey Ajandayaal badan oo ayka mid tahay arrimaha Federaalka iyo siyaasadda dalka,Miyaasniyadda dowladda ee sanadki 2014-2015-oo waxka beddel lagu samayey iyo qodob ku saabsan sugida amniga xarunta golaha wakiilada Puntland ee Garoowe.

Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa mudo sadex cisho ah soo akhirinaya ajandahan waxaana uu baarlamaanku ka doodi doonaa maalinta arbacada ah ee fooda nagu soo haysah iyagoo madasha kusoo bandhigi doonta xogo ku saabsan heshiis yadii ay wada gaareen Puntland iyo dowladda Federaalka ah iyo qodobada kamid ka ah Dastuurka Soomaaliya ee Puntland ku Eedaysay dowladda Federaalka ah inay waxka beddel ku samaysay..

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire oo xarunta golaha warbaahinta kula hadlay waxaa uu sheegay in qodobkani arrimaha Federaalka iyo Dastuurku horay uga mid ahaa Ajandayaasha horyaalay Barlamaanka,islamarkana loo soo hormariyey sidii Puntland ay wax uga oran lahayd go,aana uga qaadan lahady Eedaymaha ku aadan waxka beddelka Dastuurka ee Puntland marar badan ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

By: Jaamac Abduraham

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com