Barlamaanka Galmudug oo Kulan Xasaasi ah yeeshay Maanta (dhegayso)

Barlamaanka Galmudug oo Kulan Xasaasi ah yeeshay Maanta (dhegayso)

Kulankaan ayaa Maanta waxaa ay ku yeesheen magaalada dhuusamareeb xubnaha Baarlamanka Galmudug oo ah kii ugu horeeyey ee si wada jir ah ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamanka ee dhowaan la isku biiriyay ayaa ajanduhu waxa uu ahaa dhageysiga liiska Xubnaha Baarlamaanka iyo is barasho Xubnaha oo idil ah

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamanka galmudug Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa labaad Maxamed Axmed Maalin.

Xildhibaan Faxiyo Xasan Cali ayaa sheegtay in kulankan uu ahaa is aragtidii koowaad ee xubnaha baarlamanka ee la isku biiiriyey waxaana uu intaa raaciyey in kulanka baarlamanka uu toos u bilaabanayo maalinimada isniinta ah ee nagusoo aadan.

Kulankan Baarlamaanka Galmudug ee Maanta ayaa waxaa fadhiyey xubnaha cusub iyo kuwii hore ee baarlamaanka galmudug,Waxaana Maalinta Isniinta ah wixii ka dambeeya ay geli doonaan Shqaooyinkooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com