Barlamaanka Galmudug oo Kulan ka yeelanaya Khilaafka Madaxda Galmudug

Mudanayaasha Barlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulan kuleh cadaado ,waxayna ka hadlayaan madaxda Galmudug oo ku kala aragti duwan khilaafka wadamadda khaliijka.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa gaaray Magaalada Cadaado waxaana wali ku wajahan Xildhibaano kale si ay kaga qeyb galaan kulanka lagu wargeliyey ee barri ka dhacaya.

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa kasoo horjeeday go’aankaasi, waxayna taageersan yihiin Mowqifkii Dowladda ee ahaa in dhex dhexaad Soomaalida ay ka noqoto Xiisadaha Wadama Khajiidka.

Dhinaca kale Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegayaa in ay isku fahmi waayeen go’aankaan uu qaatay kahor inta aanan ku dhawaaqin wasiirka warfaafinta Galmudug, waxayna arrintaani cirka kusii shareertay is fahamwaagii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo markii dambe usii gudubtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com