Barlamaanka Galmudug oo ansixiyeey sharciga dhismaha Ciidamada Booliska Galmudug

HomeWararka

Barlamaanka Galmudug oo ansixiyeey sharciga dhismaha Ciidamada Booliska Galmudug

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay cod aqlabiyad l

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug..

Sharcigaan ayaa waxaa Baarlamaanka Galmudug u gudbiyay Wasaaradda Amniga Galmudug, waxaana ay uga mahad celisay sharcigaan oo lagu dhisayo Ciidamo boolis ah oo suga amniga degaannada Galmudug.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulkaas.

13-kii Bishaan ayaa Wasaaradda Amniga Galmudug ay Baarlamanka u gudbisay Sharciga dhismaha Ciidamada Booliska Galmudug si loo helo Ciidamo boolis ah oo Galmudug gaar u leedahay kana qeyb qaata sugida amniga degaannada Galmudug.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: