Barlamaanada Jabuuti iyo Somaaliya oo Maanta Heshiis Kala Saxiixday (dhegayso)

Barlamaanada Jabuuti iyo Somaaliya oo Maanta Heshiis Kala Saxiixday (dhegayso)

Heshiiskan ku saabsan iskaashiga wada shaqeneed ee Baarlamaanka JFS iyo Golaha wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” iyadoo dhinaca kale uu u saxiixay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta guddiga saaxiibtinimada e labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa sheegay in xiriirka dalalka Soomaali iyo Jabuuti uusan aheyn mid bilow ah, isla markaana labada wadan ay yihin laba dal oo walaala ah.’

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ku qoran sida ugu dhaqsiyaha badan u hir gelin doono.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer Jabuuti iyo dowladooda, sidoo kalena Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.

Sidoo kale kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Shacabka JFS ayaa waxaa mudanayaasha hortiisa xilkiisa loogu dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com