Bossaso: Al-shabaab iyo Daacish oo dagaal khasaare gaystay uu ku dhexmaray bariga Bosaso

Bossaso: Al-shabaab iyo Daacish oo dagaal khasaare gaystay uu ku dhexmaray bariga Bosaso

Dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanada Shimbiro iyo Miiraalle oo  15km iyo 25km dhanka bari uga beegan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhacay shalay iyo dorraad , dagaalkii maalinta koowaad ayaa sababay dhaawaca toban ka mid ah dhinacyada, iyadoo shan ruux ay ku geeriyoodeen, sida radio Daljir uu ka helayo saraakiisha ammaanka.

Waxaa mar kalle oo dagaalka uu shalay dhacay uu sababay dhimashada 8 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana jira khasaare dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu yimid kadib markii xeebaha deegaankaasi uu soo gaaray dooni hub u waday kooxda Daacish, iyadoona xiligaasi weerar ay soo qaadeen Al-shabaab, waxaana saldhiggii ciidamada ee Daacish la wareegay Al-shabaab.

Deegaamada dagaalka uu ku dhexmaray Al-shabaab iyo Daacsish ayaa ka mid ahaa goobihii caanka ku ahaa tahriibka ee sida dhuumaalaysiga uga bixi jiray gobolka Bari, waxaana jirin wax war ah oo dowladda Puntland ay kasoo saartay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com