Barakacayaasha kaamka Mustaqbal Gaalkacyo oo baahan (dhegayso)

Xarunta Daljir Gaalkacyo waxaa maanta nagu soo boqday qaar kamid ah baraakacayasha Kaamka Mustaqbal 1 kuwaas oo horey dowladu uga rartay gudaha magaalada loona raray duleedka Gaalkacyo.

Waxa ay ka cabanayaan baahi xoogan oo haysta caruurta iyo haweenka kaamka, kuwaas oo ay sheegeen in maamulka degmadda aysan ka helin wax jawaab ah oo ay ku qanci karaan.

Qaar kamid ah Haweenka kaamka Mustaqbal ayaa u sheegay Daljir in xilligan oo lagu jiro Bisha Ramadaan isla markaana baahi farabadan jirto, in kaamamka ku dhow laga bixinayo raashinka, balse iyaga laga gaabiyay in wax loo qabto.

Madaxda Puntland ayey ugu baaqen in arrintooda wax laga qabto, maadama xilli Ramadan ah lagu jiro, kuna jiraan guryo ka samaysan karaatin.

Maxamed Lakiman oo ku sugan xarunta Daljir Gaalkacyo ayaa wareystay.

Hoos ka dhegayso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com