Bannaanbax lagu cambaaraynayey dhakhatar la dilay oo ka dhacay Caabudwaaq (Sawiro)

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaaiyeen qaybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan Ururada dhalinyarada ee ka dhisan waqooyiga Galgaduud ayaa looga gol lahaa sidii looga hortagi lahaa falalka amni xumo ee ka jira waqooyiga Galgaduud islamarkaana lagu taageero Mamaulka cusub ee dhawaan dowladu u magacowday degmooyinka waqooyiga Galgaduud ee kala ah Caabudwaaq, Banalanballe iyo Dhabad.

Dadka banaanbaxayey ayaa magaalada ku soo maray socod dheer kuwaas oo watay gaadiid lagu soo xardhay erayo lagu muujinayo in nabad ay qaali tahay oo amniga la ilaasho lalana shaqeeyo maamulka .

ugu horayn waxaa ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Degmada Caabudwaaq Galcal Cali jabiin oo sheegay in hadii aysan shacabku la shaqeeyn aysan waxba qaban karin sidaa darteeda looga baahan yahay wada shaqayn dhex marta shacabka iyo maamulka oo cidii amniga khalkhal galinaysa ay la socodsiiyaan laamaha amaanka si looga hortago waxaana uu bulshada ku amaanay dareenka ay ka muujiyeen in amni xumadu ay tahay nabad la’aan

Sidoo kale waxaa isna goobta ka sheegay in aysan jirin nolol hadii aanan la helin amni fiican maamulna uu san shaqayn ilaa uu shacabkiisa ka helo taageero Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Magaalada Caabudwaaq Khaliif Cabdi Samad waxaana uu bulshada kula dardaarmay isku xirnaan iyo midnimo.

Xiiray Maxamuud Cabdi Salaan oo ka mid ahaa dhalinyaradii maanta soo qaban qaabisay banaanbaxan lagu taageerayo nabada loogana soo horjeedo amni xumada ayaa sheegay in cid alle cidii isku dayda in ay dhaawacdo khalkhalna galisa amniga hadii ay yihiin dhalinyarada Waqooyiga Galgaduud ay ka hortagayaan iyaga oo kaashanaya maamulka waxaana uu bulshada kula taliyey in si wada jir ah looga hortago mida ku cayaaraya sumcada deegaanka ee nabada wax u dhimaya.

Saafi Ducaale oo ka mid ah dadka??u dhaqdhaqaaqa nabada ayaa bulshada ka codsatay in ay la shaqeeyaan maamulka iyo laamaha amaanka kuwaas oo ay ku tilmaamtay hadii ay wada shaqayn dhexmarto in lagaarayo hormar wanaagsan oo dhinaca amaanka

Gabagabadiina dhamaan dadkii ka soo qayb galay banaanbaxan waxay si wada jir ah isula qaateen in lala shaqeeyo maamulka magaalada iyo ciidamada amaanka lagana caawiyo in lagu war galiyo cid walba oo wada fal amaanka lidi ku ah

Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii todobaadkii tagay magaalada lagu dilay nin dhaqtar ah oo ka shaqeeynaey magaalada islamarkaasina bulshadu ay aad uga xumaatay kana dhiidhisay arinkaas waxaana ay maanta ku muujiyeen sida ay uga xumaadeen falkaas iyagoo sheegay in mardanbe uusan dhici doonin falal caynkaasi oo kala ah .
?
?Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com