Bankiga Islaamka oo $32 milyan ku horumarinayo ceelsha, waxbarashada iyo dhaqaalaha Soomaaliya

Muqdisho, October 13, 2013 – Bankiga horumarinta Islaamka ayaa mar kale dardar gelinaya howlihiisa taageerada bulshada iyo Dowladda Soomaaliya, xili uu heshiis ka dhacay Muqdisho ku balanqaaday in uu dalka siinayo lacago hor leh.

Wasaaradaha maaliyada, adeegga bulshada iyo tan khayraadka dalka ayaa heshiis kula gaaray Muqdisho saraakiil ka socda Bankiga Islaamka, kuwaas oo balanqaaday in ay Soomaaliya siin doonaan 32 milyan oo dollar.

Wasiirka adeegga bulshada ee Soomaaliya Drs. Maryam Qaasim oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Bankiga Islaamka uu lacagta u qorsheeyey horumarinta adeegyada bulshada muhiimka ah u ah sida waxbarashada, Biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Qorshaha Bankiga horumarinta Islaamka ee lacagtan ayaa lagu sheegay in ay tahay in 18 milyan lagu kharash gareeyo dhinaca dhismaha ceelasha, halka 8 milyan loo qorsheeyey horumarinta waxbarashada iyo 5 milyan oo lagu kabi doono qorshaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Bankiga islaamka uu sameeyey balanqaadka kadib markii ay dowladda federaalka ah gudbisay baahiyaha ay qabto ee muhiimka u ah howlaha shaqo ee dowladda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com