Banki-Moon oo ku Baaqay in Al-shabaab Dagaal Joogta ah Looga hortago

Arbaco, Juun 24, 2015 (Daljir)_Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa hadalkaasi ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyey Xarunta Barlamaanka Europe ku leeyihiin magaalladda Strabourg ee W/bari ee dalka Faransiiska.

Waxa uu ugu baaqay Golaha Europe inay ka hortagaan dhamaan falalka lagu waxyeeleynayo Xorriyadaha muhiimka ah, gaar ahaan Tacadiyadda loo geysto Bulshadaha Rayidka, Warbaahinta Madaxa-bannaan iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon waxa kaloo uu sheegay inay  cabsi-gelinta Kooxaha Islaamiyiinta ay gaartay meel adag, loona baahan yahay in la qaado Tallaabo lagu sugayo Ammaanka, loogana hortagayo Kooxahaasi.

“Cabsida ay sababaan Daacish, Alshabaab, Boko Haram, Alqaacida iyo Kooxaha kale, waxay u baahan yihiin in laga qaado tallaabo dhinaca ammaanka iyo xitaa Hawlgallo Milliteri” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Waxa uu sheegay in Jihadistayaasha ka hawlgala dalalka Syria, Somalia, Iraq iyo Nigeria dhamaantooda geysteen Tacadiyo ka baxsan Xuquuqda Aadanaha, waa sida uu hadalka u dhigay Ban Ki-moon.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com