Banaanbaxyo ka socda magaalada Laascaanood iyo shirkii Taleex oo dib loo dhigay.

Sool,Jan 15 -Shirkii Khaatumo II ee kasocday degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa ku yimid hakad kooban,taas oo lagu macneeyay dagaalka kasoo cusboonaaday dhulka ay deegaan ahaan kasoo jeedaan dadka shirka kuwada tashanaya.

Shir looga hadlayay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Cey oo maanta lagu qabtay Taleex ayaa waxaa gardaro lagu tilmaamay weerarka mamulka Soomaaliland ay kusoo qaadeen gobolka Ceyn gaar ahaana magaalada Buuhoodle.

Dhanka kale Waxaa kasocda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland weerarka uu kusoo qaaday gobolka Ceyn,oo ka mid ah deegaanada ay kasoo jeedaan dadka dagan magaalada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa rasaas nool ku furay dadka banaanbaxa dhigayay,waxaana warar la helaayo ay sheegayaan in laba qof oo isgu jirta haweenay iyo cunug ay ku dhaawacmeen rasaastaasi.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa u sheegay warbaahinta dagaalkan inay la galeen sida uu hadalka u dhigay kooxo kasoo horjeeda danaha Somaliland.

Bashiir Ahmed Abdi
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com