Banaanbax lagu diidanyahay Somaliland iyo nabadayn laga wado Qorulugud oo ka dhacay Buuhoodle.(Sawiro).

?

Buuhoodle Oct-1-2012-Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax aad u balaadhan kaasoo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Buuhoodle,
?
Banaanbaxan ayaa lagu diidanaa nabadayn ay iska kaashadeen maamulka Somaliland iyo siyaasiga Xaglatoosiye oo la sheegay in dhowaan laga bilaabayo deegaanka Qorulugud oo la sheegay in lagu dhex dhexaadinayo beelaha Buuhoodle iyo Bariga Burco oo sanadkii hore ku dagaalamay deegaanka Kalshaale ee gobolka Cayn.
?
Dadkii dibadbaxan ka qayb galay oo qaarkood hadal ka jeediyeen garoonka kubada Cagta oo la isugu soo baxay, ayaa waxay sheegeen inaysan nabada diidaynayn balse nabadaynta hada la wadaa ay tahay mid salka ku haysa arimo siyaasadeed.
?
Buuhoodle waxay mudooyinkii danbe deris la noqotay jaahwareer siyaasadeed iyo colaado socdey mudo sanado ah, waxaa joogto noqday mudaharaadyo ay abaabulaan dhinacyo isku diidan siyaasada deegaanka oo ka dhaca magaalada Buuhoodle, arimahaasi ayaa dib u dhac weyn ku keenay dhamaan adeegyadii bulshada ee gobolka sida, Caafimaadka, Waxbarashada iyo horumarka Ganacsiga.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com