Banaanbax ka socda Magaaladda Baladweyn

Banaanbax ka socda Magaaladda Baladweyn

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka bilaawday banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan Shacabka magaalada.

Dadka banaanbaxa dhigaay oo isugu jirta dhalinyaro iyo dad waaweyn ayaa waxaa la sheegay inay kasoo horjeedaan qaabka loo wajahayo dhisida iyo arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle.

Bannaanbaxayaasha ayaa waxaa ay socod ku marayaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Beleweyne, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ay uga soo horjeedaan sida lagu wado arrimaha doorashooyinka.

Madaxda Sare ee dowladda Federaalka & Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayay ugu baaqeen in si waangsan loo dardargeliyo Arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle maadaama mudada xilheynta Madaxda Hir-Shabeelle ay dhamaatay.

Beelaha dega hirshabeele ayaa isku heysta jagada uga sareeysa maamulka, iyada oo haatan u muuqanayso mid kasii dareysa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com