Banaabax lagu taageerayo go’aanka waxgaradka Gobolka Sool oo ka dhacay Kalabaydh

Banaabax lagu taageerayo go’aanka waxgaradka Gobolka Sool oo ka dhacay Kalabaydh

Deegaanka kala-baydh oo laasacaanood uga beegan dhanka galbeed ayaa waxaa ka dhacay maanta banaabax lagu taageerayo go’aankii Guddiga aaya ka talinta Gobolka Sool kaas oo dhigayey in Soomaliland isaga baxdo guud ahaan Gobolka.

Dhinaca shacabka ayaa diidey in ay deegaankaas gaaraan xubno ka socdey Soomaliland oo deegaankaas ka soo jeeda balse Soomaliland halkaas u dirtay si ay u abaabulaan bulshada deegaanka una muujiyaan in Soomaliland ay taageeraan yihiin.

Magaalada laasacaanod ayaa iyana waxaa ka socda shirar beeleed badan kuwaas oo lagu ayidayo go’aanadii Guddigu ay soo saareen ee aaya ka tashiga bulshada deegaaanada SSC oo uu ka curtay kacdoon ka dhan ah Soomaliland.

Kacdoonka ayaa yimid ka dib dilkii magaalada laasacaanood loogu geystay 26 DEC 2022 AUN Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi-Hadraawi, oo aysan Soomaliland cid u soo qaban dilkiisa iyo kuwa ka horeeyey.

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com