BADBAADO: Badbaadi bulshadaada, naftaada, diintaada, dhaqankaaga & jirintaankaaga (daawo | Taxanaha 1aad)

BADBAADO: Badbaadi bulshadaada, naftaada, diintaada, dhaqankaaga & jirintaankaaga (daawo | Taxanaha 1aad)

Radio Daljir  oo kaashanaya Hay’ada King Abdullah Bin Abdulaziz International Centre for Interreligious & Intercultural Dialogue (KAICIID) wuxuu bilaabay mashruuca badbaadinta bulshada. Maanta adduunka oo dhan wuxuu galay dagaal wadajir ah oo ka dhan ah safmarka COVID-19, laakiin bulshadu isku si ma ugu baraarugi karaan cudurada halista badan ee mustaqbal dilka ah?

Mid kale baa ah horta Soomaalidu sida ay ugu baraarugeen COVID-19 ma ugu baraarugsanyihiin cudurada aan daawada lahayn ee dib-u-dhaca ku keenay dalkeena oo ay ugu horreeyaan Qabyaalada (Tribalism), Xagjirnimada (Extremism), Fakhriga (Poverty), iyo musuqmaasuqa (Corruption)? Sidee Soomaalidu ku aqbali karaan kor-u-qaadka nabadda, dulqaadka iyo isfahamka dhexdooda ah & kan dadka diimaha iyo dhaqamada kala duwan leh ee adduunka

Waxaanu raadinaynaa, nabad, caafimaad, xuquuq bini’aadanimo & heshiis dadka u dhexeeya oo meesha ka saara shaqaaqo & xasarad walba.

Ka qaybqaado barnaamijyada BADBAADO ee Radio Daljir oo aragtidaada noogu reeb qaybta farriimaha ee bogga Radio Daljir Facebook ama cod & qoraal noogu reeb whatsApp-ka lambarkiisu yahay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com