Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad kulan yeeshay muddo dhawr bilood ah. [Akhris …]

Muqdisho, July 29 – Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad kulan ku yeeshay xarunta ay ku shiraan ee magaalada Muqdisho, kadib markii muddo dhowr bilood uusan qabsoomin wax kulan ah oo ay iskugu yimaadeen golaha wakiilladu.

Kulanka maanta ee ay iskugu yimaadeen golaha baarlamaanku ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 340 mudane, waxaana uu ahaa ajandaha ugu weyn ee ay xildhibaanadu ka doodayeen heshiis dhawaan dawladda KMG ah ee Soomaaliya ay la saxiixatay dawladda Kenya kaasi oo ku saabsanaa xagga badda.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur ( Shiikh Aadan Madoobe) ayaa intii aysan furmin doodda wakiilladu, waxaa uu halkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo taabanaysay dhinacyo badan oo ay ka mid ahayd dhaliil uu u soo jeediyey qaar ka mid ah warbaahinta ka howl-gasha gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay jiraan idaacado faafiyey hadallo meel ka dhac ku ah mas’uuliyiinta dawladda gaar ahaan golaha wakiillada.

Shiikh Aadan Madoobe, waxaa uu halkaasi ka akhriyey sidoo kale qodobo muujinayey ajandaha shirka iyo arrimaha hor-yaalla wakiillada ee ay maanta ka doodayaan, waxaana intaasi kadib furantay dooddii xildhaanadu ay ku dhiibanayeen aragtidooda ku aaddan heshiis ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo midda Kenya.

Qaar ka mid ah mudanayaasha oo fursad u helay in ay aragtidooda dhiibtaan ayaa muujiyey in ay si weyn uga xun-yihiin heshiiskaasi iyagoo ku tilmaamay in uu ahaa mid aan xilligaan loo baahnayn, waxaana ay intaasi ku dareen talo ahaan dawladdu in ay ka fiirsato go’aankaasi.

Intii uu socday kulanka baarlamaanku waxaa goobta lagu dhaariyey 7 mudane oo cusub kuwaasi oo ka mid noqon doonta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxayna buuxinayaan boosas bannaanaa oo qaar ka mid ah muran badani ka taagan-yahay.

Waa marki ugu horreysay oo xildhibaanada baarlamaanku ay kulan noocaan oo kala ka yeesheen heshiiska xagga badda ah ee ay wada galeen dawladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xildhibaanada loo ballan-shay in ay berri dhammaystiraan aragtidooda si hadhow cod loogu qaado ammuurtaasi.

C/fitaax Cumar Geedi
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com