Baarlamaanka Soomaaaliya oo loo qaybiyay miisaaniyadda dowladda ay ku shaqayn doonto

Muqdisho, Oct 18 – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhi aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa loogu qaybiyay qoraallo xambaarsan miisaaniyadda ay ku shaqaynayso xukuumadda faderaalka Soomaaliya sadexda bilood ee kadhiman sanadkan 2012.

Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay xildhibaanada baarlamaanka isugu yeeray ka doodista maanta ajandaha miisaaniyadda dowladdu ku shaqaynayso mudada sadexda bilood ee soo socota.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumaddii waqtigeedu dhamaaday C/naasir Maxamed Cabdulle oo hortagay baarlamaanka ayaa u qaybiyay qoraallo kusaabsan miisaaniyadda ay ku shaqayso dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay miisaaniyadan horay inay u ansixiyeen golaha wasiirada islamarkaana ay kusoo shaqeeyeen.

Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka oo fadhiga ka hadlay ayaa ka dalbaday gudoomiyaha baarlamaanka in lasiiyo waqti ay kusoo aqristaan qoraalka kusaabsan miisaaniyadda dowladda ay ku shaqaynayso, si marka ay fahmaan dood uga yeeshaan ansixintiisa.

Doodda baarlamaanka ee miisaaniyadda ay ku shaqaynayso dowladda mudada kooban ee ka dhiman sanadkan ayaa kusoo beegmaysa, xilli shalay ay cod aqlabiyad leh ay ku ansxiyeen raysal wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com