Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeer isbedel lagu sameeyay

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeer isbedel lagu sameeyay

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa Maanta kulan ku yeeshay golaha Wakiilada Maamulkaas, iyaga oo ansixiyay mooshin ay Guddoonka Golaha u soo gudbiyeen.

Mooshinka oo ka yimid dhinaca guddoonka ayaa ahaa in Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada ay xasaanadda xildhibaannimo ku waayi karaan codadka 44 xildhibaan oo kamid ah 66-da Wakiil ee Puntland, si lamid ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Ansixinta xeerkan ayaa waxaa la sheegay inay meesha ka saarayso Guddoomiyayaasha Wakiillada Puntland oo ay badnayd in mooshinno lagu rido, iyada oo horey loogu ridi karay 34 mudane oo ahayd tiro yar.

Sidoo kale Ansixinta xeerkan ayaa kusoo aaday xilli Golaha Wakiilada Puntland ay horay u rideen Guddoomiyihaoodii hore ee Cabdixakiin Dhoobo-daareed, sidoo kalena ay xasaanada Xildhibaanimo ay ka xayuubiyeen 8 mudane.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com