Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Miisaaniyada sanadka 2020ka

Kulan ay maanta yeesheen Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxa ay ku ansixiyeen miisaniyada sanadka 2020ka kadib markii ay Wasaarada Maaliyadda u gudbiyeen.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 51 mudane ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa waxaa lagu ansixiyay miisaaniyadda Maamulka Hir-Shabelle ee 2020 oo gaareysa 14,10984.000 “Toban iyo afar milyan, toban kun sagaal boqol siddeetan iyo afar dollar “.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi oo kulanka shir guddoominayey ayaa sheegay in ay ansax tahay miisaaniyada Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 oo ay Baarlamaanka u codeeyeen.

Miisaaniyada Sanadkan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ah mid dhowaan ay anisixyeen Golaha Wasiirada Maamulkaas,kuwaas oo u soo gudbiyey Baarlamaanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com