Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo maanta ku shiraya Dhuusamareeb

Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo maanta ku shiraya Dhuusamareeb

Golaha xildhibaannada 2aad ee maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo dhacdey dhawaan.

Baarlamaanka ayaa Kulanka waxaa ay uga hadli doonaana arrimo dhawr ah, waxaana Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen in maanta ay ku dhawaaqi doonaan guddiga doorashada madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug oo ay Xildhibaannada dhexdooda iska soo xuli doonaan maanta.

Maagaalada Dhuusamareeb ayaa saacadihii la soo dhaafey waxaa ka socdey kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin musharixiinta madaxweynaha Galmudug iyo gudoonka baarlamaanka maamulkaas iyo qaar kamida xildhibaannada.

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com