Baaqa shacabka Tuliguuleed, Faafan: “Madaxweyne Mustafe waa nala barakicinayaa ee naga rar ciidanka Federaalka Itoobiya!”

Baaqa shacabka Tuliguuleed, Faafan: “Madaxweyne Mustafe waa nala barakicinayaa ee naga rar ciidanka Federaalka Itoobiya!”

Baaq soo gaaray Radio Daljir ayaa haldoorka iyo shacabka Tuliguuleed ee gobolka Faafan waxa ay xukuumadda ugu baaqayaan in ciidanka milatariga Itoobiya laga dulqaado degmada oo loo raro deegaan kale, haddii deegaanku ciidan baahi u qabana la keeno ciidanka deegaanku gaar u leeyahay, sida Kilil walba oo Itoobiya uu u leeyahay ciidan u gaar ah.

Dadka deegaanka ayaa tuhunsan in ciidanka militariga ee Itoobiya oo maalmo kahor yimid deegaanka kaddib markii maleeshiyaadka Oramadu ay deegaanka soo weerareen uu gabbaad u yahay isla maleeshiyaadka deegaanka ku soo duulay.

Shacabka deegaanka ayaa is weydiinaya sababta keentay in degmada Tuliguuleed aan illaa iyo hadda ciidankii deegaanku uu lahaa uusan iman oo kaliya ay deegaanka u joogaan ciidankii milatariga Itoobiya oo kaashanaya maleeshiyaadka Oramada.

Bayaanka haldoorka iyo shacabka Tuliguuleed  ayaa lagu xusay in shacabka deegaanka ay ku socoto barakicin xoog leh sidaas darteedna waa in “xukuumada Madaxweyne Mustafe Cagjar ay tixgaliso cabashada shacabka Tuliguuleed oo lagu hayo barakicin joogto ah, maantana ah shacab aan wax xuquuq ah lahayn oo wada daadsan duleedka Jigjiga.”

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com