Baahiyaha caafimaad ee Puntland iyo adeegga Hargeysa iyo Muqdisho (dhegayso)

Baahiyaha caafimaad ee Puntland iyo adeegga Hargeysa iyo Muqdisho (dhegayso)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo kudhaawacmay shil gaari.


Shacabka Puntland ayaa had iyo jeer la daala dhacaya dhaqaatiir tiro yar iyo agab caafimaad oo aan awood u lahayn inuu daboolo baahiyaha aasaasiga ee caafimaad ee deegaanada Puntland oo deganaasho ay ka jirto 23-sano ee lasoo dhaafay oo dalka intiisa kalle dagaallo iyo colaaddo ay ka dagi la’yihiin.

Dadka ku dhaawacma shilalka iyo rasaasta ayaa loo qaadaa magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa iyo meelo kalle oo caalamka ka mid ah, waxaana sidoo kalle aan jirin wax gaadiid gurmad degdeg ah oo ka howlgala wadada laamiga ee u dhaxaysa Bosaso ilaa iyo Gaalkacyo, dadka shilalka wax ku noqda ayaa lagu qaadaa gaadiidka dadwaynaha ,halkii ay ahayd in lagu qaado gaadiidka gurmadka degdega ee ay diaayrka ku yihiin adeegyada iyo kooxaha caafimaadka ee gargaarka degdega,  iyadoona intooda badan ay u geeriyoodaan dhiig bax iyo xaalado u baahnaa gargaarka degdega ee loo fidiyo dadka ay waxyeeladu soo gaarto kahor intii aan la dhigin xarumaha caafimaad ee waawayn.

Hoos kadhagayso barnaamij ka hadlaya, sidoo kalle waxaa ka qaybgalay dadwaynaha Puntland ee ku nool magaalada Bosaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Geedi Dhuxuloow 6 years ago

    Waxaan Xamar ku arkay dhakhaatiir heer sare ah oo Dibadaha wax ku soo bartay oo goboladaas ka soo jeedo oo maalmahaan dambe ka faa’iideysanaya nabadgelyada oo fiicnaaneysa cusbitaalana ka furanaya Xamar markaas waxaa u maleynayaa in suuqa caafimaadka oo Profit laga sameeyn karo in owswan ka jirin dhulkaas

  • Nuurkanederland 6 years ago

    MR GAAS WAA MUSUQMAASUQA AABIHII MASAAKIINTA XAQOODII BAA KU MAQAN.
    TUUGO.COM
    GO FUCK YOUR SELF.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com