Axmed Madoobe oo soo dhaweyeey dadaalka Xubnaha Aqalka sare (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay Xildhibaanada Aqalka sare ugu jiraan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ka dhextaagan DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in garabka sadexaad ee ay Dowlad Goboleedyadu doonayaan in uu khilaafka soo dhexgalo ay yihiin Xildhibaanada Aqalka Sare oo shaqadan iska leh Dhamaan Bulshada Culimada iyo Siyaasyiintii hore talada wadanka usoo maray si xalka khilaafku gacmaha soomaalida uuna uga bixin.

Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay taageerto dadaallada ay waddaan Xildhibaanada Aqalka Sare, Maadaama dalka uu ku sugan yahay Xaalad adag.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com