Axmed Madoobe oo sheegay in qorsho dowladda la damacsaneyd uu fashilmey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Darawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow,waxaana uu halkaasi kula hadlay qaar kamid ah Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Isagoo la hadlayay Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku amaanay inay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay nabadgalyo ugu shaqyen lahaayeen si Shacabka degmada iyo tuulooyinka hoostaga Ammaan u heli lahaayeen.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Askarta difaaca hore ku jirta kuwaas oo iyadoo mararka qaar fursadahu ay yaryihiin hadana u taagan sidii Bulshadu ay u heli lahayeen wakhti ay noloshooda ku maareeyaan.

War-Saxaafadeed ku saabsan booqashadaas oo laga soo saarey Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in uu Madaxweynahu sheegay in qorshahii ay Dowlada Federaalku ku doonaysay inay ku kala fur furto Ciidamada iyo Sarakiisha Afmadow ka howlgala uu fashilmay taas oo meelo badan hada kahor uga hirgashay isla markana dhibaatadii ka dhalatay ilaa maanta Shacabka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in Ciidamadii loogu tala galay inay la dagaalamaan Al-Shabaab iyo hubkii Caalamka uu ugu deeqay dalka in loo adeegsanayo burburinta dalka iyo hanaanka Federaalka si gaar ah wuxuu Madaxweynahu nasiib daro ugu tilmaamay in maanta ay is horfadhiyaan Ciidamadii la doonayay inay sida wadajirka ah ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Shacabka reer Jubbaland iyo Ciidamada kala duwan ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab iyo xoraynta deegaanadooda ay u istaagan iyagoo sidoo kale ka feejigan in dhexdooda la kala qaybiyo iyada oo laga leeyahay dano gaar ah oo aan dalka u wanaagsanayn ayuu sii raaciyey hadalkiisa Axmed Madoobe.

Ugu damabeyn Madaxweynaha Jubaland waxaa uu sheegay inuu la socday dhamaan xiriiradii ay Dowlada Federaalka ah masuuliyiinteedu lasoo sameeyeen Taliyaha degmada Afmadow,isla markana uu dhagaysanayay dhamaan waxyaabahii ay kala hadlayeen oon mara la dhihi karin waxay ahayeen wax dan u ah Qaranka balse dano shaqsiyadeed ay saldhig u ahayd sida uu hadalka u dhigey.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com