Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Saraakil Ciidamada AMISOM ka tirsan

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Saraakil Ciidamada AMISOM ka tirsan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan degmada Afmadoe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta kulan la qaatay Taliska ciidanka AMISOM qaybta 2-aad ee ka howlgasha Jubbaland.

Kulankoofa ayaa waxa ay uga hadleen Madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM xoojinta wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM sida is waydaarsiga xogaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen in degmada Afmadow laga furo xero lagu tababaro ciidanka Jubbaland, iyadoo tababarkaasi ay bixin doonaan saraakiisha ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay ku hoyday degmada Afmadow,waxaana uu sheegay in uu halkaasi u tegay dardar gelinta howlgalka Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com