Axmed Madobe oo Kismaayo lagu soo Dhaweeyay

Somalia, November 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo isagoo mudooyinkan ku  maqnaa dalka Kenya.

Axmed Madoobe markuu kasoo dagay Garoonka lama hadlin warbaahinta,intuu joogay Kenya waxaa uu la kulmay Madaxda Kenya iyagoo kawada hadlay arimo quseeya labada dhinac.

Intuu joogay Kenya Axmed Madoobe waxaa uu Kenya udiray fariin ah inaysan ku xadgud binkarin taako kamid ah dalka Soomaaliya, islamarkaana aysan awood ulahayn inay dhulkeeda ku darsato qaarkamid ah dhulka kamid ah.

Safarka Madaxweyne Madoobe ayaa kusoo aaday xili aad loo hadal hayo soo magacaabista golaha wasiiradda Maamulka Jubbaland oo baarlamaanku dhawaan markale xiliga ukordhiyeen uu soo magacaabayo wasiiradda Madoobe.

Dhanka kale Madaxweyne Madoobe ayaa booqan doona xerada tababarka Ciidanka Jubbaland oo maalin ka hor Alshabaab weerareen khasaare iyo dhimasho iyo dhaawacna uu ka dhashay.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com