Site icon Radio Daljir

Axmed Cali Salaad: “Qadar anaa wata adna Imaaraadka ha raacin wax la qaadan karo ma aha!”

Guddoomiye hore Korneel Axmed Cali Salaad oo nagu soo booqday istuudiyaheena Daljir Gaalkacyo ayaan ka waraysannay xaalka siyaasadda Soomaaliya, kan Puntland, siyaasadda dowladda Qadar ee Soomaaliya iyo la safashada madaxweyne Farmaajo la saftay Qadar, kana saftay dowladda Imaaraadka iyo gees galinta maamulada xiriirka la leh Imaaraadka Carabta.

Axmed Cali Salaad oo u warramay wariye Jamaal Faarax Adan ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo in dowladda  Farmaajo ay ka siijeesato maamulada dalka, siiba Puntland, aysan talo iyo tabar ka gaysan dagaalka ay Puntland kula jirto argagixisada al-Shabaab iyo Daacish, waxtar la’aantiina ay hadda ku darsatay takoor ay takooreyso hormarka Puntland.

Dhanka Xamar iyo caasimadda ayuu Korneel Axmed Cali Salaad ku tilmaamey in meel dadka guryihiisii illaa iyo maanta laga haysto aysan caasimad umadeed noqon karin, illaa xoolaha ummadda ee xoogga lagu haystana meel cad lagu wareejiyo in aysan Xamar ahayn, ahaanna doonin caasimad Soomaaliyeed.

Hoos kaga bogo.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5b00715dff00001bc64b9f74/Wareysiga+Axmed+Cali+Salaad_JFA.mp3?_=1

 

Exit mobile version