Axmed Cali Salaad: “Qadar anaa wata adna Imaaraadka ha raacin wax la qaadan karo ma aha!”

Axmed Cali Salaad: “Qadar anaa wata adna Imaaraadka ha raacin wax la qaadan karo ma aha!”

Guddoomiye hore Korneel Axmed Cali Salaad oo nagu soo booqday istuudiyaheena Daljir Gaalkacyo ayaan ka waraysannay xaalka siyaasadda Soomaaliya, kan Puntland, siyaasadda dowladda Qadar ee Soomaaliya iyo la safashada madaxweyne Farmaajo la saftay Qadar, kana saftay dowladda Imaaraadka iyo gees galinta maamulada xiriirka la leh Imaaraadka Carabta.

Axmed Cali Salaad oo u warramay wariye Jamaal Faarax Adan ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo in dowladda  Farmaajo ay ka siijeesato maamulada dalka, siiba Puntland, aysan talo iyo tabar ka gaysan dagaalka ay Puntland kula jirto argagixisada al-Shabaab iyo Daacish, waxtar la’aantiina ay hadda ku darsatay takoor ay takooreyso hormarka Puntland.

Dhanka Xamar iyo caasimadda ayuu Korneel Axmed Cali Salaad ku tilmaamey in meel dadka guryihiisii illaa iyo maanta laga haysto aysan caasimad umadeed noqon karin, illaa xoolaha ummadda ee xoogga lagu haystana meel cad lagu wareejiyo in aysan Xamar ahayn, ahaanna doonin caasimad Soomaaliyeed.

Hoos kaga bogo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Majeertee dowlad marabo wayo beent ushegaya ayaa kagafilan majerteenka halska ilaaliyo umadasomaliyee

  • TEEDA kale QADAR & imaaratul Arab WAA KAAF & KALI dheeri QADAR waxay gudo & waxay gasho LA ogsoonahay imaaratul Arab waa walaalkii Albaabada inoo furay dagaalkii markuu ka qarxay soomaalia 1991 kii Marka yaan laysla mid dhigin haduu jeebkii imaaradka gacanta u ritay QARSO ceebtaada lama Arag lamana MAQAL madaxweyne LABA wajiile (first time ever) farmaajo shalay waxaad lahayd dhexdhexaad maantana sidii ruux waalan Albaabkaad uga gashay nin dagan labo talaabo oo weliba GO DOONA sidaad u soo BAARATO ilaahow imaanka HANAGA QAADIN nin cunay AMA xaday AMA dhacay xoolo ciidan oo weliba wadan kale u soo dhiibay iimaan LAAWE indho ADAKAA

  • Ahmed Ali salad: Muwaadin soomaaliyeed Run badan xaqana ka hadlay allah yahdiik ilaahey ha soo Hanuuniyo kuwa xaq darada wata oo xoolo xaarana farqaha ku HAYSTA

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com