Axmed Cali Daahir oo hortgay Barlamaanka Somaaliya

HomeWararka

Axmed Cali Daahir oo hortgay Barlamaanka Somaaliya

Guddiga joogatada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir. Xildhibaan Axmed Maca

Arday gaaraysa 1,014 oo imtixaanka dugsiga Sare u fadhiisatay
Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka faalooday sababaha dalka uu u jahwareersanyahay (daawo)
STIMSOM: Ashabaab Yuraaniyam ay Iran ka Iibiso ma Qodi Kadho

Guddiga joogatada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa boggiisa Facebook ku sheegay in Xeer ilaaliyaha uu hortagay guddiga islamarkaana wax laga weydiiyay caddeymaha uu u hayo labo xildhibaan oo uu dhawaan dalbaday in xasaanadda laga qaado.

Hadalka Axmed Macallin Fiqi ayaa u qornaa sidan.

“Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maantay u yeeray Axmed Cali Daahir oo si sharciga baalmarsan hawada u mariyey eedaymo laba xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka kuwaas oo uu soo codsaday in xasaanadda laga qaado.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa golaha joogtada ah hortooda lagu weydiiyey caddyamaha uu u hayo arrinta xildhibaanada labada ah, waxeyna ugu danbeyn arrintiisii ku soo dhamaatay Afsoomaali, aan wax caddeyn soo hordhigin guddiga joogtada ah hortooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: