Author: Xasan
-
BAYDHABO: Dadkii Soomaliland laga soo barakiciyay oo maalintii labaad gaaray
Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray maanta qaar kamid ah dadkii Soomaliland ay sida qasabka ahayd uga soo barakicisay magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo malmihii la soo dhaafay ku sugnaa Puntland. Dadkan oo saarnaa Gawaarida waaweyn ayaa waxaa ay safar dhinaca dhulka ah kusoo mareen degaano ka tirsan Maamulada Puntland,…
-
Dib u dhac ku yimid mid ka mid ah Jadwaladii Doorashada Dalka
Mid ka mid ah jadwaladii doorasho ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee aan dhaqan gelin waxay maanta oo ah 10 October ku beegneyd inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, gaar ahaan jadwalkii soo baxay bishii June. Hubaal la’aan ayaa ka jirta in mar kale dhaqan gelida jadwalka doorashada, waxaana habraacii u dambeeyay ee doorashada uu…
-
BALADWEYN: Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa manta gaaray Xubno katirsan gudiga doorashooyinka Heer Federaal, iyada oo siweyn halkaasi ay ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan. Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiye ku xigeenka Gudiga doorashoyinka heer federaal Mowlid Mataan, waxaana Garooonka diyaardaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Calijeyte Cismaan & mas’uuliyiin…
-
BOOSAASO: Shalay & Maanta (Sawirro)
Layrarkii sanado kahor bateriyada lagala baxay ee Bosaso ayaa hadda noqday kuwa shaqeeya oo bilicda magaalada Bosaso sare uqaaday, kadib markii dayactir ay ku samaysay wakaaladda Korontada ee Eneeye Bosaso. Masuuliyiin katirsan maamulka degmada ayaa caawa soo kormeeray layrarkan oo ay Eneeye dayactirka iyo koronto gelinta kusamaysay, iyadoo batariyadii loo isticmaali jiray laga kaaftoomay. Sawirro
-
Qoraa Sare Maxamed Daahir Afrax oo London ku Geeriyooday (daawo)
Guddoomiyihii Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka ahaana Guddoomiyaha Akadeemiyadda Goboleedka afka Soomaaliga ee AGA Dr. Maxamed Dahir Afrax ayaa ku geeriyooday magaalada London dalka Ingiriiska. Dr. Afrax ayaa ahaa Aqoonyahan iyo rug cadaa Qoraa ah oo qoray sheekooyin fara badan oo ay ku jirto sheekadii caan baxday ee Maana-Faay Marxuum Afrax waxa…
-
Rooble oo u xaqiijiyay qoyska Ikraan Tahliil Inaan wax gorgortan ah laga galeynin Kiiska Ikraan
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan…
-
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Kulanti wanaagsan, kuna soo dhowaada barnaamijkii Cawaysnimo ee Caawa iyo Daljir. Barnaamijku wuxuu caawa idin kaga imaanayaa xarunta Daljir Garoowe, waxaana idiin daadihinaya Xassan Heykal.
-
Sucuudiga oo 30 sanno kaddib Soomaaliya usoo magacaabay Safiir
Boqortooyada Sucuudiga ayaa safiir rasmi ah u soo magacowday Soomaaliya. Danjire Axmed bin Maxamed Al-Mawluud ayaa noqon doona safiir u horreeyey ee Muqdisho fadhiisan doona 30 sanno kaddib. Boqorka Sucuudiga ayaa ku dhaariyey danjiraha habka-fogaan-aragga. Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay socdaal ku yimid Muqdisho si ay u darsaan…
-
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Barnaajimka Ciyaaraha maanta ku dhegayso wararkii ugu dambeyeey ee ciyaaraha ,waxaana istuudiyaha daljir kasoo jeedinaya wariye Cabdiraxmaan ibraahim Maxamed Yemani.
-
Xulashada Daljir & Xasan Baashe, Daljir Garoowe | daawo | (dhegayso)
Kulanti wanaagsan kusoo dhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir, waxaana barnaamijka xarunta Daljir ee Garoowe kasoo jeedinaysa wariye Xasan Baashe. Soo gudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya
-
Itoobiya & Soomaalida Xilalka ay ka heshay Xukuumadda uu soo dhisay Abiy Axmed!! (Sawirro)
Xukuumaduu uu soo dhisay Abiy Axmed ayaa waxaa ku jiray shan xubnood oo ka koobnaa Wasiir iyo Wasiir kuxigeeno. Xubnaha Wasiirada ee matalaya DDS waxa ay kala ahaayeen: 1. Mudane Aadan Faarax (Wasiir – Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga dalka u taliya) 2. Mudane Axmed Shide (Wasiir- Maaliyadda) 3. Mudane Prof. Abdiwasa A. Bade (Wasiir…
-
Turkiga oo Maraykanka ka dalbaday Diyaarado dagaal oo ah nooca loo yaqaan F-16
Turkiga ayaa ka codsaday Maraykanka inuu ka iibiyo 40 diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaan F-16, iyo weliba ku dhawaad 80 ah qalabka lagu casriyeeyo diyaaraha dagaalka. Xukuumadda Ankara ayaa doonaysa inay casriyeyso ciidankeeda cirka kadib markii uu Maraykanka ka iibin diiday diyaaradaha dagaalka nooca u dambeeyay ee F-35, kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada…