Author: Lakiman
-
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Garoowe inoo ka daadihinaya Axmed Shiikh Maxamed (Tallman). Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad.
-
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Arooryo suubban! Intiina saaka jarmaadaysa ku soodhawaada warkii subaxnimo, waxaana aroortan idiin akhrinaya Xuseen Madar oo ku sugan xarunta Daljir Boosaaso. Hoos kaga bogo.
-
Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: 1. Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. 2. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo…
-
Hobyo oo uu ka furmay shirka beesha Habargidir (dhegayso | daawo)
Magaaladda Hobyo ee gobalka Mudug waxaa ka furmay shir beelweynta Habargidir. Ajendayaasha shirka oo u badan dib-u-heshiisiin iyo doorasho hoggaanka beesha ayaan ka marnaan doonin loogana hadli doonaa xaaladda degaanadda Galmudug, waxaana ka ka qaybaalaya siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka degaanadda Galmudug ee beesha. Guddoomiye kuxigeenka Degmadda Hobyo Maxamed Maxamuud Cawaale oo waraysi siyeey Radio Daljir…
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo magacaabay Caawa Guddiga qaban-qaabada dib u heshiinta Galmudug (Akhriso)
Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Somaaliya ayaa Caawa ku dhawaaqay Guddiga qaban-qaabadda dib u heshiinta Maamulka Galmudug. Guddigan uu Wasiirka ku dhawaaqay ayaa ka kooban 12 Xubnood sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Somaaliya.
-
Mid kamid ah Salaadinta Galmudug oo Caawa Gaalkacyo lagu dilay
Waxaa Caawa fiidkii lagu dilay koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Allaha u naxariiste Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan. Dilka Suldaanka ayaa la sheegay inay geysteen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnayd bastoolado kadibna baxsaday. Ciidamada ammaanka ayaa gaarey goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaa baaritaano ka sameeyay. Hase yeeshee lama sheegin dad loo qabtay…
-
Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Daljir Garoowe(dhegayso)
Kulanti wanaagsan, kuna soo dhowaada barnaamijkii cawaysnimo ee Caawa & Daljir. Barnaamijku waxa uu caawa idin kaga imaanayaa xarunta Daljir Garoowe, waxaana idiin soojeedinaya Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
-
Khayre oo ku baaqay in laga qayb qaato dib u dhiska Galmudug (Sawiro)
Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Qada Sharafta oo ay soo agaasimeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dhammaan…
-
Warka Fiidnimo iyo Hodan Sulub Diini, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caweysin wanaagsan! Ku soodhawaada Warka Fiidnimo iyo Hodan Sulub Diini oo caweysinkan idin kaga imaanaya Daljir Garoowe.
-
Dowladda Somaaliya iyo Taliyaaniga oo Heshiis kala saxiiday
Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dawladda Talyaaniga la saxiixday Heshiis ku saabsan Hooyada iyo dhallaanka, kaasi oo Talyaaniga uu ugu tala-galay in Soomaaliya ay ka taageerto dhinaca Caafimaadka iyo kobcinta Aqoonta dadka ka shaqeeyo Caafimaadka, waxaa kaloo raacsan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la kulmaan…
-
Magaalada Qardho oo lagu qabtay Shir looga hadlayey Xaalada Amaanka Gobolka Karkaar (Daawo)
Kulan looga hadlay Arimo la xiriira xaalada guud ee Gobolka Karkaar iyo Kan Degmada Qardho. ayaa lagu qabtay magaalada Qardho. Masuuliyiinta Shirka qab tay ayaa amar kasoo saaray Bacaha madaw ee loo isticmaalo gaawaarida, Hubka sharci darada ah ee Magaalada lagu wato, Dhulka aan dawlada bixin ee la dagay. Hoos ka daawo.
-
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Soomaaliland
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah: 1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). 2. Dr.Cali Siciid…