Author: Lakiman
-
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Kulanti wanaagsan, kuna soo dhowaada barnaamijkii Cawaysnimo ee Caawa iyo Daljir. Barnaamijku wuxuu caawa idin kaga imaanayaa xarunta Daljir Garoowe, waxaana idiin daadihinaya Cabdixakiin Xuseen Xasan.
-
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Caweysin wanaagsan kuna soodhowaada Warka Fiidnimo, waxaana warka caawa inoo akhrinaya Maxamed Lakiman, kuna sugan xarunta Daljir Bosaaso. Dhegayste ha illaawin in aad mar kasta nala qaybsato fikirkaaga iyo falceliskaaga.
-
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Danjireyaasha dalalka Turkiga Iyo Qatar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya. Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta…
-
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Barnaajimka Ciyaaraha maanta oo arbaco ah ku dhegayso wararkii ugu dambeyeey ee ciyaaraha ,waxaana istuudiyaha daljir kasoo jeedinaya wariye Cabdiraxmaan ibraahim Maxamed Yemani
-
RW Rooble oo amray dardargalinta Arrimaha doorashooyinka
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/xakiim Xasan Ashkir u xil saaray dardar gelinta howlaha doorashooyinka. C/xakiin Ashkir ayaa waxaa uu mas’uul ka noqon doonaan howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmo…
-
Xulashada Daljir &Deeqo Ladan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Kulanti wanaagsan kusoo dhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir, waxaana barnaamijka xarunta Daljir ee Boosaaso idinkaga soo jeedinaya Deeqo Ladan Soo gudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya.
-
MADAXWEYNAHA OO GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KUMEEL-GAAR AH U MAGACAABAY DEGMADA GAALKACYO
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey :- 1.…
-
Ilhaan Cumar oo ka hadashay xil ka qaadista Madaxweyne Trump
Xilli ciidamada dembi baarista Mareykanka ay wali ku raad joogaan dadkii weeraray aqalka Kongareeska, ayaa dhanka kale isla xubnaha Dimuqraaddiga ee ka tirsan aqalkaasi waxay sheegeen inay ku raja weyn yihiin xil ka qaadista madaxweyne Trump. Ilhaan Cumar oo ka mid ah xubnaha Kongareeska, ayaa waxay madaxweyne Trump ku eedeysay in uu sabab u ahaa…
-
Mareykanka oo kordhinaya tababarada Ciidamada dowladda Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabaas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen saraakiil ka tirsan hogaanka taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii dowladda Mareykanka ay u xoojin leheed tababarada…
-
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Arooryo suubban dhegaystayaal! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Bossaso nooga daadihinaya Maxamuud Cabdi Ibraahim. Saaka & Dunida kaga bogo wixii aroortan warar ugu horreeyey, dal iyo dibad, hana illaawin in aad fiiro, faallo ama falcelis nala qaybsato. Dhegayso.
-
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KALA DIRAY GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA GAALKACYO.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad. Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad Markuu arkay:…
-
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Caweysin wacan! Ku soodhowaada barnaamijkii caweysnimo ee Caawa & Daljir, waxaana caawa barnaamijku idin kaga imaanayaa xarunta Daljir Bossaso, waxaana inoo daadihinaya Maxamuud Cabdi Ibraahim. Caawa & Daljir kaga bogo wixii maanta warar ugu horreeyey, dal iyo dibad, hana illaawin in aad fiiro, faallo ama falcelis nala qaybsato. Dhegayso.