Author: Lakiman
-
Rooble oo ku baaqay in wax laga qabto fatahaada wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe. Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqashadii ugu horeysay ku tegey magaalada Jowhar tan iyo markii uu xilkaasi qabtay…
-
Golaha Wasiiradda Jubbaland oo la dhaariyeey
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay Munaasabada dhaarinta Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweynahu magacaabay. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha Dowlada iyo Dowlad wanaaga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay…
-
RW Rooble oo maanta gaaray Magaladda Jowhar (Sawiro)
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle. Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada Jowhar ku tageen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopter ah oo ku degtay Saldhig AMISOM ku leeyihiin bariga magaalada Jowhar, kadib markii Garoonka diyaaradaha uu saameyn ku…
-
Qarax kismaayo ka dhacay & Jubbaland oo ka hadashay
Qaraxa oo ahaa Bambaanada nooca Gacanta laga tuuro ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Isgoyska Somali Star ee magaalada Kismaayo waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa Bambaano lagu weeraray Ciidamo ka tirsan booliska Jubbaland oo ku sugan Isgoyska Somali Star, waxana qaraxa ku dhaawacmay 7 Ruux oo u…
-
Madaxweyne laftagareen oo xubin muhiim ah magacaabay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool, kaas oo lagu Magacaabo Cumar Daa’uud Khaliif. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Mas’uulkas Magacaabay. Sidoo kale waxaa la faray…
-
Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso)
Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Garoowe inoo ka daadihinaya Cabdixakiin Xuseen Xasan. Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad.
-
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Kulanti wanaagsan, kuna soo dhowaada barnaamijkii Cawaysnimo ee Caawa iyo Daljir. Barnaamijku wuxuu caawa idin kaga imaanayaa xarunta Daljir Garoowe, waxaana idiin daadihinaya Cabdixakiin Xuseen Xasan.
-
Puntland oo gudbisay xubnaha Guddiga doorashooyinka (Akhriso)
Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS u soo gudbiyay magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer Federaal.
-
Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Cabddala Faamoos, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Kulan wanaagsan ku soodhowaada warka habeenimo ee Radio Daljir waxaana soo jeedinaya weriye Cabdirisaaq Cabddala Faamoos . Hoos ka dhegayso.
-
XILIGA LASOO XIRAYO DIIWAANGALINTA CODBIXINTA DOORSHADA DEGMOOYINKA PUNTLAND OO LA SHAACIYAY (Daawo)
XILIGA LASOO XIRAYO DIIWAANGALINTA CODBIXINTA DOORSHADA DEGMOOYINKA PUNTLAND OO LA SHAACIYAY.
-
Guddoomiyaha Aqalka sare oo magacabay oo xubnaha guddiga doorashooyinka
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta u gudbiyay magacaabista xubnihii laga sugayay ee Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta Gobolada Somaliland. Xubnahaan oo ka kooban lix Ruux ayaa kala ah Afar Xubnood oo Heer Maamul ah, Hal Xubin oo Heer Federaal ah iyo Hal Xubin ah oo kamid noqoneysa Guddiga xalinta…
-
Golaha Wasiiradda Jubbaland oo la ansixiyeey
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo uu shir guddoomiyay gudoominayay Baarlamaanka Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana lagu ansixiyay Golaha wasiirada Cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxaemd Islaam. Kulanka ayaaa soo xaadiray 51 mudane oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan, waxaana ansixiyay…