ASXAABTA SIYAASADDA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA (DDS) OO KULAN YEESHAY

Kulan wadatashi ah oo ay yeesheen xisbiga haya talada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Barwaaqo iyo xisbiyada siyaasadeed ee kale ayaa ka wadahadlay sidii looga wada shaqayn lahaa
horumarka iyo nabadgalyada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS).

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Xisbiga talada haya ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Barwaaaqo ayaa waxaa kasoo qaybgalay xisbiyada kala ah:

  1. Xisbiga ONLF
  2. Xisbiga Dimuqraadiyada iyo Xorriyadda
  3. Xisbiga Duubo iyo Digino
  4. Somali Federalist Party
  5. Xisbiga Sinnaanta iyo Xorriyadda
  6. Xisbiga Soomaali Galbeed

Waxa ay dhammaan asxaabta siyaasadeed si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii aragti midaysan looga yeelan lahaa arrimaha masiiriga ah ee shacabka iyo deegaanka iyo sidii looga midaysnaan lahaa sii xoojinta horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

Gabagabadii kulankan waxaa lagu heshiiyey in la aasaaso guddi farsamo oo ka kooban dhammaan Xisbiyada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS).

Diiwaanka wararka

Jigjiga, DDS

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com